Japan oo soo saartay amar daadgureyn ah

0
403

Dowladda dalka Japan ayaa soo saartay amar lagu daadgureynaya kumanaan qof.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday cabsi la xiriirta duufaanta xooggan ee Ampil oo ku wajahan bariga waddankaasi.
Sidoo kale , waxaa la baajiyay duullimaad dhowr ah.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka Japan ayaa maanta sheegtay in duufaanta Ampil ay ilaa 170 kiilomitir u jirta magaalada Choshi oo ka tirsan gobolka Chiba oo u dhow caasimadda dalkaasi Japan ee Tokyo.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in amarka daadgureynta ee la soo saaray uu saameynaya 323,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here