Shir qorsheyn dhaqaale loogu sameynaya deegaannada oomanaha ee ASALs oo qabsoomay

0
383

Wasaaradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da , horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha lagu tilmaamo ee loo yaqaano ASALs ayaa faahfaahisay shir muhiim ah oo qabsoomay.
Wasaaradda oo kaashanaysa golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG iyo hay’adda Maraykanka ee horumarka caalamiga ee USAID ayaa kulankan soo qaban qaabisay.
Waxaa shirkaasi lagu dejinayay qorshaha wayn ee horumarinta dhaqaalaha deegaannada ASALs oo loo yaqaano (AEDMP).
Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X waxay ku xustay in kastoo deegaannadan oo ay xoolo dhaqato u badan yihiin ay leeyihiin fursado dhaqaale iyo kuwo maalgashi oo laga faa’iidaysan karo haddana in ay u baahan yihiin in laga taageero sidii fursadahan looga faa’iidi lahaa.
Qorshaha AEDMP ayaa looga gol-leeyahay in lagu soo saaro xal hal-abuur ku saleysan oo dhaqangal ah si wax looga beddelo nolosha bulshooyinka ku nool deegaannada oomanaha ee ay waqooyi bari ka mid tahay gaar ahaan dhallinyarada.
Geeddisocodka dejinta qorshaha wayn ee horumarka dhaqaale ee deegaannada oomanaha ee EDMP ayaa waxaa ka wada shaqeyn doono dowladda sare , ismaamullada , waaxyaha gaarka ah, saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka iyo bulshada.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in isbeddel ballaaran lagu sameeyo hab-nololeedka bulshooyinkan si kartidooda loogu abuuro horumar dhaqan-dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here