Shirkad loo ansixiyay inay la socoto howlaha xafiiska hanti dhowrka guud ee dalka

0
299

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay in shirkadda PKF Kenya LLP ay hanti dhowr aan gudaha ahayn ku sameyso xafiiska hanti dhowraha guud ee waddanka.
Shirkaddan ayaa loo xil saaray in ay baaritaano dabagal oo dhanka hanti dhowrka ah ay ku sameyso warbixinnada uu soo saaro xafiiska qaran ee (OAG).
Waxay si gaar ah u eegi doontaa warbixinnadii sanad maaliyadeedkii 2022/2023, 2023/2024 iyo sanad maaliyadeedkan 2024/2025.
Sidoo kale, waxay eegi doontaa faahfaahinnada maaliyadeed ee la xiriira barnaamijka hooyga ee shaqaalaha iyo hannaanka amaahda baabuurta.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii guddiga baarlamaanka u qaabilsan xisaabaadka ee (PAC) uu sidatan ku taliyey.
Guddigan ayaa ugu yaraan shanti sano ee ugu dambeeyay u ololeynayay in miisaaniyadda loo kordhiyo xafiiska qaran ee hanti dhowrka ee OAG .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here