Wasiirkii hore ee waddooyinka Franklin Bett oo shil ku dhaawacmay

0
339

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisumu ayaa xaqiijiyay in isbitaal la dhigay wasiirkii hore ee wasaaradda waddooyinka Franklin Bett.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray shil ka dhacay waddada xiriirisa Awasi iyo Kericho .
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in Bett uu ka dhaawacmay dhanka madaxa ka dib markii ay isku dhaceen baabuurkiisa iyo cagafcagaf sidday qasab.
Waxay intaasi ku dareen in xaaladiisa caafimaad aynan liidan.
Warbixinta booliiska waxaa ku xusan in labo qof oo kale oo haween ah ay shilkaasi ku dhaawacmeen abaare 7-dii fiidnimo ee habeenimadii Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here