Baarlamaanka Thailand oo u codeeyay ra’iisul wasaare cusub

0
525

Xildhibaannada baarlamaanka ee Thailand ayaa maanta codkooda ku taageeray in Paetongtarn Shinawatra ay noqoto ra’iisul wasaaraha dalkaasi ka dib markii uu soo xushay isbeheysiga talada haya.
Haweeneydan oo 37 sano jir ah ayaa waxaa dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee Thailand Thaksin Shinawatra.
Waxay beddelaysa Srettha Thavisin oo ay xilka ka qaadday maxkamadda dastuuriga ee Thailand ka dib markii uu xil u magacaabay qareen horay loogu helay dembiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here