Douglas Kanja oo qiray in gaabad amni uu jiray xilligii baarlamaanka la weeraray

0
545

Douglas Kanja oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka ayaa xilli uu baarlamaanka turxaan bixinayay qiray in 25-kii bishii 6-aad ee sanadkan uu jiray gaabad dhanka sugidda amniga ah.
Waxaa uu sheegay in gaabadkaasi uu sababay in dhallinyaro dibadbaxyo sameynayay ay gudaha u galeen xarunta baarlamaanka halkaasi oo ay burbur ka gaysteen.
Kanja ayaa ballan qaaday in haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidiisa uu xoojin doono amniga golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here