Raila Odinga oo la kulmay madaxweynaha DRC

0
295

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa kulan la qaatay madaxweynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi.
Qoraal uu soo saaray ayuu Odinga ku sheegay in ay ka wada hadleen ololaha uu ugu jiro qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.
Waxay sidoo kale isla eegeen arrimaha nabad galyada , horumarka iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa ka mahadceliyay garab istaagga ku aaddan musharraxnimadiisa AU-da ee uu u muujiyay madaxweynaha DRC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here