Ruushka oo shacabkiisa ka daadgureynaya gobolka Kursk

0
385

Maamullada dalka Ruushka ayaa ku howlan in ay degmooyinka kala duwan ee gobolka Kursk ay ka daadgureeyaan rayidka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Ukraine ay ku sii fogaanayaan gobolkaasi oo ay maalmihii ugu dambeeyay isku dhacyo ka socdeen.
Sii hayaha xilka guddoomiyaha gobolka Kursk ,Alexei Smirnov ayaa sheegay in maanta la daadgureynaya ilaa 20,000 oo qof oo ku nool degmada Glushkovo .
Maamullada Ruushka ayaa sheegay in gobollada xuduudda la leh Ukraine ilaa iyo hadda laga daadgureeyay ugu yaraan 200,000 oo qof.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo lagu soo weeraray gobolka Belgorod .
Ciidamada ilaallada hawada sare ee Ukraine ayaa dhankooda sheegaya in ay soo rideen dhammaan 29 ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu xalay adeegsanayay Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here