Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska dalka oo shir ku qabtay Moyale

0
421

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Mr.Gilbert Masengeli iyo agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin ayaa guddoomiyay shir amni oo ka qabsoomay magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la afduubtay labo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kuuriyada Koonfureed.
Afduubkaasi ayaa dhacay abaare 9-kii fiidnimo ee 12-kii bishan Siddeedaad.
Waxaa xilligaasi xarunta dugsiga sare ee Odda Mission oo ay muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed dhex deggan yihiin soo weeraray labo burcad oo hubeysan .
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in weli la raadinaya labada qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sideed eedeysanayaal loo xiray afduubka la gaystay.
6 ka mid ah tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo jeedo dalka Itoobiya sida uu bayaan ku sheegay adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Eedeysanayaasha ayaa la soo taagay maxkamadda Moyale waxaana laamaha ammaanka la siiyay muddo 10 cishe ah oo ay baaritaannada ku soo dhameystirayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here