Maxkamadda racfaanka oo maxkamadda sare ku waafaqday go’aan ka dhan ahaa SHIF

0
396

Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa ayiday go’aankii ay maxkamadda sare dowladda uga hor istaagtay in laga guuro caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo loo wareego caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF.
Waxaa go’aankan soo saaray guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Francis Tuiyott, Ali Aroni iyo Lydia Achode .
Xaakinnada ayaa amray in la sii adeegsado caymiska NHIF ilaa 20-ka bisha Sagalaad ee sanadkan oo ay maxkamaddu go’aan dheeraad ah soo saari doonto.
12-kii bishii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare sharci darro ku tilmaantay dhaqangelinta SHIF waxayna go’aankaasi u aaneysay in aan si buuxda looga qayb gelin dadweynaha si ay aragtidooda uga dhiibtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here