Abaal marin lacageed oo la siiyay orodyahaannada dalka ee guulaha ka soo hooyay Olimbikada

0
477

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyay orodyahaannada kenyaanka ah ee sanadkan billadaha ka soo hooyay tartamadii Olimbikada ee lagu qabtay magaalada Paris ee waddanka Faransiiska.
Madaxweynaha ayaa orodyahaannadan ku qaabilay xarunta rasmiga ee dowladda ee magaalada Eldoret.
Waxaa uu ku ammaanay in ay soo hooyeen guulo taariikhi ah iyagoo kor u qaaday sumcadda calanka dalka intii ay tartamadu socdeen.
Beatrice Chebet oo billada dahabka ee tartamada Olimbikada gaar ahaan masaafooyinka 10,000 iyo 5,000 oo mitir ku guulaysatay , Faith Kipyegon (1500 mitir ), iyo Emmanuel Wanyonyi (800 mitir ayaa la guddoonsiiyay min 3 milyan oo shilin.
Faith Kipyegon iyo Ronald Kwemoi ayaa sidoo kale la siiyay 2 milyan oo shilin maadaama ay guulo ka soo hooyeen tartamada orotanka ee masaafooyinka 5,000 oo mitir iyagoo helay billadda qalinka ee silver.
Waxaa min hal milyan oo shilin la siiyay Mary Moraa ,Abraham Kibiwott ,Faith Cherotich ,Benson Kipruto iyo Hellen Obiri .
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaali doono wanaajinta xarumaha lagu daryeelo cayaartooyda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay tayeynta kaabayaasha cayaaraha isagoo waaxyaha gaarka ah ku boorriyay in ay arrinkan ka qayb qaataan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale sheegay in ay qasab tahay in si wayn loola tacaalo isticmaalka daawooyinka ee cayaartooyda maadaama ay dhaawacaysa hibada qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here