DHAGEYSO:Xildhibaano ku goodiyay inay mooshin ka keenayaan madaxweynaha Soomaaliya

0
248

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, iyadoo ay garbihiisa taagan yihiin xildhibaano kale oo badan ayaa ku hanjabay in xilka madaxweynaha ay dib u eegis ku sameyn doonaan haddii sidaan aan wax laga beddelin.
Waxaa uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey inay dalka la habaabeen, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadka qaran oo ay u dhaarteen, kuna dhaqaaqaan sidii loo badbaadin lahaa wadanka.
Mudanaha ayaa sheegay in xildhibaanada loola dhaqmo si aad u liidata markii ay marayaan jidadka Muqdisho, isagoo ku goodiyay in arrintaasi ay degdeg wax uga qabanayaan.
Waxaa uu xusay in xildhibaano badan ay hadda u diyaarsan yihiin in xaaladda sidaan laga beddelo, islamarkaana ay ku dhaqaaqi doonaan haddii ay la noqoto inay dantu ku jirto in madaxweynaha xilka laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here