Maxkamadda magaalada Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga ayaa amartay golaha qaran ee xeer dejinta inuu qabto wareeg labaad oo ku aadan ololaha dadweynaha looga qayb gelinaya inay aragtidooda ka dhiibtaan qorshaha xilka looga xayuubinya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxay maxkamadda amartay in barnaamijkan lagu qabto dhammaan deegaan baarlamaaneedyada waddanka.
Waxaa go’aankan maanta soo saaray garsooraha maxkamadda Kerugoya Richard Mwongo, ka dib dacwad ay gudbisay wakiilka haweenka ee ismaamulka Kirinyaga Jane Njeri Maina.
Olalaha dadweynaha ay ka aragti dhiibanayaan ayaa maanta lagu qabtay kaliya xarumaha dowaladaha hoose ee 47-da ismaamul ee uu waddanka ka kooban yahay.