Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa duqeyn ka gaystay xerada Beddawi ee waqooyiga dalka Lubnaan.
Waxaa duqeyntaasi ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ururka Xamaas oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo qof ay ilaa hadda ku dhinteen weerarrada Israa’iil ka gaysanayso guud ahaan waddankaasi.
Waxaa dadkan ka mid ah 127 carruur iyo 261 haween ah.
Xamaas ayaa sheegtay in taliyahoodii magaalada Tulkarem uu ka mid yahay 18 qof oo lagu dilay weerar ay shalay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ku qaadeen xeer qaxooti oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeyn cirka ah ka fuliyay 15 bartilmaameed oo ku yaalla deegaannada Xuutiyiinta maamulaan ee dalka Yemen.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa uga digay Israa’iil in haddii ay weerar ku qaado dalkiisa ay Tehran si adag uga falcelin doonto.