DHAGEYSO:Taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya oo maanta xilkaasi si rasmi ah ula wareegay

0
193

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Janeraal Sulub Axmad Firin, ka dib munaasabad ka dhacday Muqdisho.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa markii uu xilka la wareegay sameeyay ballan qaadyo waaweyn, isaga oo xusay inuu wax ka qaban doono amniga iyo horumarinta Booliiska.
Waxaa uu sidoo kale ballan qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho oo ah xudunta dalka Soomaaliya.
Asad Diyaano ayaa shaaciyay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay, Isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado howlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliiska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada waddanka Soomaaliya.