Raila oo dhaliilay in maxkamadda sare ay ayiday howlgelinta militariga

0
365

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dhaliilay go’aankii ay maxkamadda sare ee waddanka taageertay qorshaha lagu howlgeliyay ciidamada gaashaandhigga ee KDF-ta si ay booliiska uga caawiyaan ka falcelinta dibadbaxyada.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqada militariga ay tahay in ay qaranka ka difaacaan khatarta dibadda uga imaanaysa balse aynan door ku lahayn mudaaharaadyada maxalliga ah.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Ugunja ee ismaamulka Siaya ayuu kenyaanka ku boorriyay in ay sii wadaa u istaagidda xuquuqdooda dimuqraadiga ah.
Khamiistii ayay ahayd markii uu garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi uu sheegay in la howlgelin karo ciidamada difaaca si ay u ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah.
Tani ayaa timid ka dib markii dibadbaxyadii maalmo ka hor ka dhacay caasimadda dalka lagu gubay qaybo ka mid ah baarlamaanka iyo xafiiska barasaabka Nairobi ee City Hall.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here