Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada militeriga Israa’iil ka gaysteen bartamaha caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan.
Duqeyntan ayay xalay fulisay Israa’iil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Israa’iil ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay 46 qof ku dishay dalka Lubnaan.
Waxay muddadan dhaawacday 85 ruux oo kale, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.
Dagaalyahannada ururka Xisbullah iyo ciidamada militeriga Israa’iil ayaa dagaal culus ku dhexmaray koonfurta waddanka Lubnaan.
Israa’iil ayaa xaqiijisay in ugu yaraan siddeed ka mid ah ciidamadeeda lagaga dilay dagaalkaasi.