Barasaabka Kericho oo xilka laga qaaday

0
222

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kericho ayaa xil ka qaadis ku sameeyeen barasaabka dowlad deegaankaasi Eric Mutai.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Erick Mutai codkooda ku taageeray 31 wakiillo ah iyadoo kal-fadhigaasi aynan ka qayb gelin 16 kale.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kericho Dr. Patrick Mutai ayaa shaaciyay in mooshinka uu meel maray sidaasi awgeedna Eric Mutai laga xayuubiyay jagadii uu hayay.
Xil ka qaadista guddoomiyaha ismaamulka Kerico ayaa lagu saleeyay eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku tagriifalay kheyraadka dadweynaha, habdhaqan xumo baahsan iyo ku xadgudubka dastuurka.
Waxaa hadda arrintiisa loo gudbin doonaa aqalka sare oo ayidi doono go’aanka wakiillada Kericho ama meesha ka saari doono.