Qaybo ka mid ah Nairobi oo uu ku jiro garoonka JKIA oo biyo la’aan noqon doono berri

0
239

Shirkadda bixisa adeegyada biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah xaafadaha caasimadda dalka aynan biyo heli doonin maalmaha Khamiista iyo Jimcada ee toddobaadkan.
Caqabaddan ayaa jiri doonto inta u dhexeysa 6-da subaxnimo ee 3-da bishan ilaa 6-da subaxnimo ee Jimcada.
Agaasimaha guud ee shirkadda biyaha ee Nairobi ,Nahason Muguna ayaa arrintan u aaneeyay in la wareejinaya dhuumaha biyaha ee waddada Uhuru Highway ilaa isgosyka Haile Selassie, taas oo qayb ka ah mashruuca dhismaha marinka dhulka ee Green Park.
Meelaha ay biya la’aanta saameyn doonto waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ee (JKIA), bartamaha caasimadda ee CBD, qaybo ka mid ah waddada Mombasa road, xaafadaha South B iyo C, Standard Gauge Railway (SGR), Athi River Export Processing Zone (EPZ), Coca Cola, Mukuru, Imara Daima, xaafadaha u dhow waddada North Airport Road ,Embakasi, Tassia, Gikomba, Pumwani, Majengo iyo Shauri Moyo.
Agaasimaha guud ee shirkadda biyaha ee Nairobi ,Nahason Muguna ayaa macaamiisha ka codsaday in muddadan ay biyaha keydsadaan.