DHAGEYSO:Gachagua oo u jawaabay madaxdii Waqooyi Bari ee difaacday Nuurdiin Xaaji

0
412

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka jawaabay falcelin ka dhalatay dhaliil uu dhawaan u jeediyay agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Gachagua ku dhaliilay Nuurdiin inuu gabay waajibaadkiisa shaqo gaar ahaan inuu dowladda siiyo qiimeynta saxda ah ee la xiriirtay qaabkii ay kenyaanka uga soo horjeesteen hindise sharciyeedka maaliyadda.
Hasa ahaate , waxaa taasi si wayn uga falceliyay madaxda gobolka Waqooyi Bari oo madaxweyne ku xigeenka ka dalbaday inuu is casilo.
Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in sida uu hadalka u dhigay shakhsiyaad aan markii hore taageerin ololihii madaxweyne William Ruto ay hadda doonayaan in ay isaga u sheegaan qaabka loo wadaya dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here