Nin 20 sano jir ahaa oo meydkiisa laga helay guri ku yaalla Siaya

0
225

Ciidamada booliiska ee deegaan baarlamaneedka Ugenya ee ismaamulka Siaya ayaa baaraya maydka qof ay da’diisu ahayd 20 sano oo la helay.
Laamaha ammaanka ayaa qabo shaki ah in qofkan la dilay.
Sidoo kale waxay saraakiishu eegayaan sababtii keentay in shalay galab dab la qabadsiiyay guri ku yaalla tuulada Usdiu ‘A’ ee Ukwala .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka la arkay ka dibna ay dad shacab ah oo careysan ay gubeen guriga qof ay uga shakiyeen inuu dilkaasi gaystay.
Waxaa sidatan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Siaya,Cleti Kimaiyo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here