9 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Narok-Bomet

0
132

Waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen 9 ruux halka labo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu dillaacay mid ka mid taayarrada gaadiidka dadweynaha oo marayay waddada u dhexeysa ismaamullada Narok iyo Bomet .
Shilka ayaa xalay fiidkii laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Ratili oo ka tirsan dowlad deegaanka Narok .
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in wadaha mataatuuda uu gaariga xakameyn waayay ka dib markii uu taayarka dambe dillaacay taasi oo keentay in baabuurka uu dhowr mar rogmaday.
8 qof oo isugu jira 6 rag iyo labo haween ayaa isla goobta ku geeriyooday .
Qofka sagaalaad oo canug ah ayaa dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaalka guud ee Longisa ee ismaamulka Bomet.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in wadihii mataatuuda uu ka mid yahay dadka shilka ku geeriyooday.
Meydadka dadkan ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Longisa si loo aqoonsado halka labada ruux ee ay soo gaareen dhaawacyada culus lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here