Sacuudi Carabiya oo cambaareysay deegaamayn ay Israa’iil ka wado Daanta Galbeed

0
130

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku cambaareysay in Israa’iil ay sii ballaarinaysa deegaamaynta ay ka wado Daanta Galbeed ee la haysta ee dalka Falastiin.
Sacuudi Carabiya ayaa hoosta ka xarriiqday in ay si adag uga soo horjeedo xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka caalamiga ee ay ku howlan tahay Israa’iil.
Waxay sheegtay in go’aanka lagu sii ballaarinaya howlaha deegaamaynta ee Daanta Galbeed uu horseedi karo cawaaqib aan wanaagsanayn .
Sidoo kale waxay xustay in tani ay wax u dhimaysa xasilloonida gobolka Bariga Dhexe oo ayna sii hurinaysa colaadaha jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here