Israa’ill oo duqeymo aan kala joogsi lahayn kawada Lubnaan xilli halkaasi baroordiiq looga dhawaaqay

0
62

Waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada militeriga Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ay ka gaysanayaan dalka Lubnaan.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa duqeymaha Israa’iil ku dhintay 33 qof, sida laga soo xigtay saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee waddanka Lubnaan.
Dhanka kale, Lubnaan ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo samaynayo hoggaamiyihii muddada dheera ee ururka Xisbullah Xasan Nasrallah, kaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay koonfurta magaalada Beirut.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in hadda la gaaray waqtigii xabad joojinta ka dhaqangeli lahayd Lubnaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here