Maraykanka oo sheegay inuu Syria ku dilay 37 ka mid ah dagaalyahaannada ISIS iyo Al-Qaacida

0
76

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in weerarro kala duwan oo uu bishan gudaheeda ka fuliyay dalka Syria uu ku dilay 37 dagaalyahaanno ah kuwaasi oo xiriir la leh kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee (ISIS) iyo Al-Qaacida.
Waxaa sidatan maanta bayaan ku sheegay taliska dhexe ee Maraykanka ee (CENTCOM).
Bayaanka waxaa ku cad in 16-kii bishan Sagaalaad duqeyn baaxad wayn oo dhanka cirka ahayd lala eegtay xero fog oo ay ISIS ku leedahay bartamaha waddanka Syria.
Waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 28 dagaalyahaanno oo ay ka mid ahaayeen afar mas’uul oo sar-sare .
In kastoo qoraalka aan lagu shaacin magacyada shakhsiyaadka lagu dilay duqeyntaasi haddana waxay CENTCOM sheegtay in weerarkaasi uu wiiqayo awoodda ISIS ee fulinta weerarrada ka dhanka ah danaha Maraykanka iyo saaxiibbadiisa.
Taliska dhexe ee militariga Maraykanka ee CENTCOM ayaa intaasi ku daray in duqeyn kale oo 24-kii bishan laga fuliyey Waqooyiga Galbeed ee Syria lagu dilay 9 dagaalyahaanno ah oo uu ku jiray Marwan Bassam ‘Abd-al-Ra’uf, mas’uul sare oo kooxda Hurras al-Din u qaabilsanaa kor joogteynta howlaha militariga ee Syria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here