Israa’iil oo weerar dhulka ah ku qaadday Lubnaan

0
46

Ciidamada milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay billaabeen howlgal xaddidan oo dhulka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee koonfurta dalka Lubnaan.
Bayaan ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay, in ciidamadooda ay billaabayaan howlgal ay ugu magac dareen fallaaraha waqooyiga.
Waxaa bayaanka ku cad in bartilmaameedku uu yahay tuulooyinka u dhow xadka oo khatar ku ah bulshooyinka ku nool waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegeen militeriga waddankaasi.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xalay qaraxyo laga maqlay koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan, iyadoo la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarradaasi oo dhanka cirka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here