LSK oo codsatay inuu cadaalad helo mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada

0
41

Madaxa ururka ay ku mideysan yihiin qareennada waddanka ee LSK Faith Odhiambo ayaa cambaareysay afduub iyo jirdil loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada oo uu fadhigiisu yahay ismaamulka Mombasa.
Waxay carrabka ku adkeysay in dowladda ay guuldareysatay xaqiijinta badqabka muwaadiniinta.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxay intaasi ku dartay la xaqiraya xuquuqda uu qofka u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa.
Faith Odhiambo ayaa tilmaantay in dadka xilalalka haya aanan la xistaabtamin, maadaama qaarkood ay dhibaatooyin gaystaan.
Madaxa LSK ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ugu baaqday inay sharciga horgeysa sida ugu dhakhsiyaha badan shakhsiyaadka ku eedeysan falka lagula kacay mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada, kaas oo dhaliilo u jeediyay barasaabka dowlad deegaanka Mombasa.
Waxay sidoo kale waaxda dacwad oogidda dalka ka codsatay inay dacwad ku soo oogto kuwa dhacdadan mas’uulka ka ah.
Dhibbanaha oo lagu magacaabo Bruce John Kajira ayaa la sheegay in 12-kii bishii hore ay koox ka kooban 20 qof ay ka afduubteen hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Bamburi ee ismaamulka Mombasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbaanaha la helay maalin ka dib afduubkiisa iyadoo uu jirdil ka muuqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here