EACC oo baaraysa dhul la dhacay oo ku yaalla Karen

0
302

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa baaritaan ku sameynaya dhul dadweyne oo la rumeysan yahay in laga dhacay xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Dhulkan oo ah 5.12 eekar ayaa waxaa leh dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi balse waxaa si sharci darro ah kula wareegay ganacsato .
Ganacsatadan ayaa dalbanaya in la siiyo lacag dhan 1.28 bilyan oo shilin oo magdhow ah.
Ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga EACC, Cabdi Maxamuud ayaa laga soo xigtay in qiimaha lacageed ee dhulkan uu yahay 400 oo milyan oo shilin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here