Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro ayaa hay’adaha dowladda ku boorriyay in ay adeegsadaan dhaqaalaha ay heli karaan si ay wax uga qabtaan saameynta daadadka.
Waxaa uu xusay in ay ansixin doonaan dhammaan miisaaniyadda loo qoondeeyo oo lagu caawiyo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen fatahaadaha.
Nyoro ayaa arrintan ka hadlay xilli isaga iyo xildhibaano kale ay booqdeen dhibbanayaasha daadadka ee Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu sheegay in xeerka uu dowladda u fasaxaya in mararka qaar ay adeegsato miisaaniyad aan la qoondeyn.
Xildhibaanka ayaa dadkii ay saameeyeen daadadka Mai Mahiu ugu deeqay hal milyan oo shilin wuxuuna mar kale xoojiyay ballanqaadkii madaxweynaha dalka Willliam Ruto ee ahaa in qoysaskan dib u dejin loo sameyn doono.