Eedeysanayaal loo haysto lacago laga dhacay Murang’a oo maxkamad la soo taagay

0
254

Waxaa maxkamad ka soo hormuuqday labo ka mid ah eedeysanayaasha loo haysto in ay ismaamulka Murang’a ka lunsadeen 562 milyan oo shilin ka dib qandaraasyo la bixiyay.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah xaaska barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Murang’a Mwangi Wa Iria oo lagu magacaabo Jane Waigwe Kimani oo ah agaasimaha shirkadda Value View Limited iyo David Maina Kiama, agaasimaha shirkadda Top Image Consultants.
Eedeysanayaasha oo ka soo hormuuqday maxkamadda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Milimani ee magaalada Nairobi ayaa iska fogeeyay dacwadda ay wajahayaan.
Garsoore Victor Wakhumile ayaa ku siidaayay damaanad lacageed oo hal milyan oo shilin ah ama damaanad uu qiimaheedu u dhigmo 5 milyan.
Waxaa lagu amray in ay dokumeentiyadooda safarrada ku wareejiyaan maxkamadda oo aynan dalka ka bixin oggolaansho la’aan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ay maxkamadda kiiskan soo qaado 14-ka bishan Shanaad ee May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here