Israa’iil oo la wareegtay marinka Rafah ee dhanka Masar

0
264

Ciidamada Israa’iil ayaa la wareegay marinka magaalada koonfureed ee dalka Falastiin ee Rafah ee dhanka Masar.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xalay daabaabadahooda dagaalka ay halkaasi ku sii dhawaadeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen guriyo la deggan yahay.
Arrintan ayaa ku soo beegantay ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ay sii wadi doonto duullaankeeda Rafah xita iyadoo ururka Xamaas uu shaaciyay inuu aqbalay soo jeedinta xabbad joojinta ee loo bandhigay.
Waxay soo jeedinta ka timid dhexdhexaadiyaasha dalalka Masar iyo Qatar.
Hasa ahaate xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in soo jeedinta ay aad uga fog tahay dalabaadka Israa’iil.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu magaalada Qaahira u diraya ergo ku matasha wada hadallada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here