Baarlamaanka oo toddobaadka dambe fadhi gaar ka yeelan doona warbixinta guddi baaraya wasiir Linturi

0
378

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in 13-ka bishan uu golaha qaran ee xeer dejinta fadhi gaar ah ka yeelan doona eedeymaha uu wajahaya wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha, Mithika Linturi.
Kal-fadhiga baarlamaanka ee maalinkaasi oo Isniin ku beegan ayaa billaaban doono abaare 2:30 galabnimo.
Guddi ka kooban 11 xubnood oo baaraya eedeymaha ka dhanka ah wasiirka wasaaradda beeraha ayaa la filayaa inuu warbixintiisa u gudbiyo baarlamaanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii kalfadhi ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka dalka ay ka doodeen mooshin uu soo gudbiyay mudanaha deegaan baarlamaneedka Bumula, Jack Wamboka, iyadoo 149 xildhibaan ay u codeeyeen in la soo dhiso guddi ka kooban 11 xubnood oo baaraya eedeymaha ka dhanka ah wasiirka.
Jack Wamboka ayaa mooshinka u cuskaday in wasiir Linturi uu u dhaqmay si aan laga filan sarkaal dowladeed oo bulshada u adeega ka dib markii uu ansixiyay in la soo iibiyo oo la qaybiyo bacrimin faalis ah.