Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaala madaxda dalka ee Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, mas’uuliyiin uu horkacayay madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi dhigiisa difaaca Aadan Barre Ducaale ,wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliiya Axmad Macalin Fiqi , xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in safarkiisa uu ku qotomo adkeynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, dalxiiska, caafimaadka iyo waxbarashada.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa madaxda Kenya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankan, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomalaiya, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.