Madaxda cadaaladda oo amartay in dacwadaha horyaalla maxkamadaha muddo ka badan 3 sano in la dedejiyo

0
330

Madaxa cadaaladda ee dalka garosoore Martha Koome ayaa amartay in dhammaan dacwadaha maxkamadaha horyaalla muddo ka badan saddex sano in si degdeg ah loo dhameystiro.
Waxaa ay ka codsatay dhammaan madaxda maxkamadaha sare ee dalka ku yaalla inay dedejiyaan kiisaska muddada badan horyaalla maxkamadaha.
Waxaa ay ku nuuxnuuxsatay in xallinta dacwadaha horyaalla maxkamadda ay kaalin ka qaadaneyso ilaalinta cadaaladda iyo dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Kenyaanka ah.
Martha Koome ayaa xustay in waaxda garsoorka ee dalka ay ku tallaabsatay guulo lagu xaqiijinaya madax bannaanida iyo waxtarka laanta cadaaladda ee dalka.