DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay inay garab siin doonto dadka is iskood ah uga shaqeeya daryeelka bulshada

0
82

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay ismaamullada la kaashato wanaajinta xaaladaha ay ku howlgalaan shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka bulshada ee loo yaqaano (CHPs).
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkan si buuxda loo dhaqangelinaya.
Gachagua ayaa xusay in tani ay gacan ka gaysan doonto in xilli hore laga war helo cudurrada si hoos loogu dhigo qarashaadka ku baxa daaweynta xanuunnada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Nyahururu ee ismaamulka Laikipia sheegay in dowladda dhexe ay bixisay lacag bil kasta loogu tala galay in ay qaataan shakhsiyaadka ka shaqeeya daryeelka bulshada oo guud ahaan wadanka ay tiradoodu tahay 107,000.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay bixin doonto 90 milyan oo shilin halka dowladda hoose ee ismaamulka Laikipia ay lacagtan ku kordhin doonto 90 milyan oo dheeraad ah si loo fuliyo mashruuc dhanka caafimaadka ah.