Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Busia ayaa sharci darro ku tilmaantay shaqaaleysiinta 1,406 qof oo noqonaya gacan yarayaasha waaxda dakhliga ee maamulka canshuuraha wadanka ee KRA.
Maxkamadda ayaa go’aankeeda u aaneysay in dad ka soo jeedo labo qowmiyadood inta badan la siiyay fursadahan shaqo.
Waxaa 12-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore maxkamadda dacwadda u gudbiyay Peter Kabinga.
Waxaa uu ku dooday in 785 qof oo ka mid ah dadka la howlgeliyay ay ka soo jeedaan labo qowmiyadood keliya.
Garsoore William Musyoka ayaa maamulka canshuuraha ee KRA ka hor istaagay inuu shaqaaleysiin sameeyo iyadoo aan la tixgelin iskudheellitirka matalaadda qowmiyadaha ku nool gobollada kala duwan ee dalka sida uu dastuurku qabo.