Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa u yeeray 143 sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulka Kisii.
Waxaa la waydiin doonaa su’aallo ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyay in shaqooyinka ay hayaan ay ku heleen adeegsiga shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah.
Howlwadeennada ayaa laga doonaya inay iska xaadiriyaan xafiiska guddiga EACC ee Koonfurta gobolka Nyanza.
Saraakiishan oo ka tirsan waaxyo kala duwan ayaa la howlgeliyay xilligii barasaabkii hore ee ismaamulka Kisii James Ongwae.
Waxaa warqadda loogu yeeray saraakiishan soo saartay maareeyaha EACC ee Koonfurta Nyanza Ruth Yator oo matalaysa madaxa fulinta ee guddigan.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa warbixin uu horay u soo saaray ku sheegay in 2,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda la shaqaaleysiiyay iyagoo adeegsanaya shahaadooyin waxbarasho oo faalis ah.
EACC ayaa wacad ku martay in ay dabagal ku sameyn doonto kiisaskan si loola xisaabtamo oo mushaarkii ay qaadanayeen looga soo celiyo howlwadeennada khiyaanadan sameeyay.