Wasiirka wasaaradda beeraha iyo horumarinta xoolaha , Mithika Linturi ayaa sheegay inuu jiro qorsho dowladeed oo sare loogu qaadaya wax soo saarka xoolaha .
Waxaa uu si gaar ah u tilmaamay kobcinta wax soo saarka dhanka hilibka xoolaha iyo haraggooda.
Mithika Linturi ayaa arrinkan ka sheegay ismaamulka Laikipia.
Tallaabooyinka ay dowladdu qaadaysa waxaa ka mid ah in tallaal wadareed loo sameeyo xoolaha si looga hor tago cudurrada galaafta.
Sidoo kale waxaa beeralayda la siinaya waxyaabaha nafaqada u ah xoolaha.
Wasiirka ayaa sheegay in Kenya aynan buuxin karin baahida loo qabo hilibka iyo haragga xoolaha ee caalamka maadaama aan beeralayda loo sameyn aqoon kororsi ku filan oo la xiriira wanaajinta wax soo saarka xoolaha.
Mithika Linturi ayaa sheegay in beeralayda iyo xoolo dhaqatada ay u baahan yihiin in lala wadaago aqoon waqti xaadirkan la adeegsan karo.
Waxaa uu intaasi ku daray in wasaaradda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay ismaamullada kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ay xooluhu yihiin kuwo ka badbaada cudurrada saameeya.
Sidoo kale , labada heer ee dowladda ayaa iska kaashan doono in bulshooyinka xoolo dhaqatada ah loo furo suuqyada dunida.
Ka ganacsiga wax soo saarka xoolaha ayaa ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose, waxaana istaraatiijiyaddan loo yaqaana (BETA).
Xoghayaha wasaaradda beeraha iyo xoolaha ee dalka ,Jonathan Mwangangi Mueke ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in sanadkan , soo saaridda haragga xoolaha laga dhigo labo jibbaar oo la gaarsiiyo boqolkiiba 60 halka sanadkii hore uu ahaa boqolkiiba 30.
Mueke ayaa carrabka ku adkeeyay in marka dib loo soo noleeyo waaxda xoolaha, aynan Kenya dibadda ka soo iibsan doonin badeecooyinka laga soo saaro haragga xoolaha.