Maxkamadda sare ee wadanka ayaa meesha ka saartay amar horay lagu joojiyay daabacaadda kaararka aqoonsiga casriga ah ee Maisha Namba.
Waxaa xayiraadii jirtay tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore qaaday garsoore John Chigiti.
Qorshahan ayaa qayb ka ah isbedellada lagu dardargelinaya geeddisocodka diiwaangelinta kenyaanka iyadoo qof waliba la siinaya nambar gaar ah oo lagu aqoonsan karo.
Nidaamkan oo ay dowladdu rabtay in la dhaqan geliyo sanadkii hore ayaa laga hor istaagay.
Hasa ahaate ,go’aanka maanta ka soo baxay maxkamadda sare ee wadanka ayaa dowladda u oggolaanaya inay sii wado qorshaha lagu soo saaraya sidoo kale kenyaanka loogu qaybinaya aqoonsiga dhijitaalka ah ee loo yaqaano Maisha Namba.