Go’aan maxkamadeed oo maxaabiista u oggolaaday ka qayb galka aaska qoysaskooda

0
234

Waxay maxkamaddu soo saartay go’aan maxaabiista u oggolaanaya in ay ka qayb galaan aaska xubnaha ugu dhow ee qoysaskooda.
Hasa ahaate, waxaa tani lagu saleynaya in aynan jirin sabab maangal ah oo looga hor istaagi karo adeegsiga xuquuqdan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dacwad maxkamadda u gudbiyay wariye hore, Moses Dola oo sanadkii 2018-kii lagu xukumay xabsi 10 sano ah ka dib markii lagu eedeyay inuu xaaskiisi dilay.
Waxaa uu dacwadda maxkamadda geeyay ka dib markii ay hooyadiis geeriyootay isagoo xiran oo aan loo oggolaan inuu ka qayb galo aaska meydkeeda..
Tallaabadaasi ayuu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ahaa xuquuqdiisa aasaasiga ee dastuuriga ah iyo si guud maxaabiista.
Maxkamadda ayaa dhanka kale dowladda ku amartay inay muddo 6 bilood gudaheeda ah ku soo saarto xeerarka la xiriira sababaha aan maxaabiista loogu oggolaan karin ka qayb galka aaska qoysaskooda.