Wetangula oo sheegay in aan la iibin doonin warshadda sonkorta ee Nzoia

0
1165

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda dhexe ay qorsheynaysa inay iibiso warshadda sonkorta soo saarta ee Nzoia sugar.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dejisay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dib loogu soo nooleynaya warshaddan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xildhibaannada baarlamaanka ay ansixiyeen miisaaniyad dheeraad ah oo gaaraysa 1.7 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayuu tilmaamay in loogu talagalay in dib loogu soo nooleeyo warshadaha soo saaro sonkorta ee uu hoos u dhaca ku yimid guud ahaan wadanka.
Moses Wetangula ayaa sheegay in 300 oo milyan oo ka mid ah 1.7 bilyan oo uu baarlamaanka meel mariyay lagu wareejin doono warshadda sonkorta ee Nzoia factory ee ismaamulka Bungoma.
Moses Wetangula ayaa sheegay in labo toddobaad gudahooda uu wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Mithika Linturi tagi doono warshadaasi si uu ugu wareejiyo miisaaniyadda loo qoondeyay dib u dayactirkeeda.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay inay iska dhaga tiraan madax uu ku tilmaamay kuwo faafinaya warar been abuur ah.