Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino, ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawirro ay ka mid yihiin kuwii ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda magaalada Muqdisho.
Infantino ayaa yiri:
“Toddobaadkan wuxuu u ahaa mid cajiib ah marka la eego ciyaarteena quruxda badan ee adduunka oo dhan, laga soo billaabo tillaabooyin lagu soo bandhigay muuqaal caawiyaha garsooraha ciyaarta ee VAR, tartamada OFC iyo ciyaar qurux badan oo dhexmartay dowlad gobolleedyada Soomaaliya ilaa qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen xulalka ka qayb galaya koobka qaramada Afrika ee CAF iyo kuwa waddamada Asia AFC Asian Cup iyo sidoo kale kubadda cagta oo farxad ku fidineysa taageerayaasha heer kasta oo kala duwan, waxay ahayd maalmo cajiib ah!”.
Gianni Infantino
Ciyaaraha maamul gobolledyada Soomaaliya iyo gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh uga socda garoonka Muqdisho Stadium, iyadoo kulanka kama dambeysta ah ay isugu soo hareen gobollada Galmudug iyo Hirshabeelle.