EACC oo xirtay askari laaluush qaadanayay

0
157

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la xiray askari ka howlgalo deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Sarkaalkan oo ka shaqeeya saldhigga booliiska ee fagaaraha Kasarani Stadium ayaa loo haystaa inuu dalbaday laaluush lacageed oo dhan 30,000 oo shilin.
Magaca askarigan ayay EACC ku sheegtay Paul Kamau Mbugua.
Eedeysanaha ayaa la xiray ka dib markii ay cabasho ka soo yeertay qofka uu laaluushka ka dalbaday oo doonayay in loo soo siidaayo labo qof oo ay walaalo yihiin oo ay ciidamada ammaanka ku xireen saldhiggaasi.