DHAGEYSO:Safaricom oo adeegyo caafimaad ka bixinaysa Lamu

0
193

Laanta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom u qaabilsan tabarucaadda ee Safaricom Foundation ayaa ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ka fidinaysa adeegyo caafimaad oo loogu talagalay hooyooyinka iyo dhallaanka.
Waxaa barnaamijyadan lagu qarash gelinaya lacag dhan 4.2 milyan oo shilin.
In ka badan 5,000 oo qof ayaa la qorsheeyay inay tabarucaaddan ka faa’iidaystaan.
Safaricom Foundation ayaa xarunta caafimaad ee Siyu Dispensary ku wareejisay agabka umusha oo ay ka mid yihiin sariirro, kombiyuutarro , mashiinnada baaritaannada iyo waxyaabo kale.
Guddoomiyaha Safaricom Foundation Joseph Ogutu, ayaa sheegay in taageeradan ay fududeyn doonto ciriiriga halkaasi ka jira oo ay wanaajin doonto tayada daryeelka ay helaan hooyooyinka iyo dhallaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in iskaashigu uu aad muhiim ugu yahay haleelidda qodobka saddexaad ee hadafyada horumarka waara ee SDGs oo diiradda saaraya in dhammaan dadweynaha ay helaan caafimaad wanaagsan.
Ogutu ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2017-kii ay dowladda ismaamulka Lamu kaashanayeen oo ay daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka ku bixiyeen in ka badan 80 milyan oo shilin.
Waxaa iskaashigan horay uga faa’iiday in ka badan 33,000 oo qof.
Mr. Ogutu ayaa tilmaamay in ilaa 2026-da uu u degsan yahay qorsho lagu sii wanaajinaya daryeelka caafimaad si ay uga faa’iidaystaan dad badan oo ku nool qaybaha wadanka.

Waxaa sidoo kale arrinkan ka hadlay barasaabka ismaamulka Lamu Issa Timamy iyo wasiirka caafimaadka, fayadhowrka iyo arrimaha deegaanka ee dowlad deegaankaasi Dr. Mbarak Maxamad Mbarak