Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ayaa maanta sheegtay in Israa’iil laga doonayo inay ka hor tagto xasuuq shacab marka ay la dagaallamaysa Xamaas.
Hasa ahaate waxay maxkamaddu ka gaabisay inay ku baaqdo in marinka Qaza ay ka dhaqangasho xabbad joojin degdeg ah.
Maxkamadda oo go’aaminaysay dacwad ay dowladda Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil laga doonayo inay qaaddo tallaabooyin lagu wanaajinaya xaaladda baniaadannimo ee Falastiiniyiinta ku nool Marinka Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo in ka badan 26,000 oo ruux lagu dilay Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.