Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan la qaatay wasiirradda arrimaha dibadda ee wadanka Jarmalka Annalena Baerbock.
Xafiiska warfaafinta ee aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ayaa sheegay in kulankan uu xalay ka qabsoomay xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka Suudaan iyo si guud gobolka.
Waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in si degdeg ah loo xalliyo dagaallada Suudaan.
Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo horraantii bishan uu madaxweynaha dalka William Ruto uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee dalka Suudaan Maxamad Xamdaan Dagalo.
Waxaa kulankaas ka dib dowladda Suudaan ay dib ugu yeertay safiirkeedi ku matalayay Kenya Ambasadoor Kamal Jubbara si wada tashi loo sameeyo.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale sheegay in Kenya ay uga mahadcelinayso taageerada ay dowladda Jarmalku siiso waaxda waxbarashada dalka, gaar ahaan dhanka tababarrada farsamada.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo colaadda Suudaan kala hadlay wasiirradda arrimaha dibadda ee Jarmalka