DHAGEYSO:Guddoomiyaha Kakamega oo ka hadlay caqabadda dhaqaale ee ay wajahayaan

0
145

Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga qaabilsan arrimaha maaliyadda, qorsheynta iyo dhaqaalaha ee golaha barasaabyada wadanka ee (COG) Fernandes Barasa ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ee dalka aynan weli soo saarin in ka badan 70 bilyan oo shilin.
Lacagahan ayaa la doonayay in dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejiso bilihii 11-aad , 12-aad ee sanadkii hore iyo bishan koowaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay uu jiray dib u dhac dhanka bixinta lacagaha ismaamullada ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga doonaya inay bixiyaan deymaha ay qandaraasleyda ku leeyihiin dowlad deegaannada balse ay wajahayaan xaalad dhaqaale oo adag maadaama aynan dowladda sare bixin ilaa 70 bilyan oo shilin.