Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa, Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay dadaallada ay wado ee lagula dagaallamaya ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.
Waxaa uu ku baaqay in hoggaamiyaasha ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera aynan fududeysan khatarta ay arrintan leedahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in culimada gobolka ay doonayaan inay khudbadda Jimcada ee berri ay dadweynaha ku baraarujiyaan saameynta maandooriyaha.
Sheekha ayaa ku taliyay in la soo dhiso guddi ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada si gobolka Waqooyi Bari looga cirib tiro ka ganacsiga iyo isticmaalka balwadda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Sheekh Xasan Camey oo ku baaqay in lala dagaallamo isticmaalka maandooriyaha