Maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee (KeNHA) ayaa shaaciyay in si ku meel gaar ah loo xiray ilaa shan wareeg oo ay baabuurta ku kala gudbaan oo ku yaalla hareeraha waddada wayn ee Uhuru Highway ee magaalada Nairobi.
Wareegyadan ayaa kala ah Nyayo Stadium, Bunyala, Haile Selassie Avenue, Kenyatta Avenue iyo University Way.
Waxay xirnaanayaan laga billaabo maanta ilaa 1-da bisha Koowaad ee sanadka 2024.
Agaasimaha guud ee maamulka KeNHA,Injineer Kung’u Ndung’u oo arrintan u aaneeyay howlo dayactir oo la sameynaya ayaa dhanka kale gaadiidleyda ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan oo ay raacaan tilmaamaha waaxda taraafikada.
Sidoo kale shalay ayay ahayd markii maamulka KeNHA uu shaaciyay in la xiray qayb ka mid ah waddada wayn ee Nairobi Southern Bypass gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Lang’ata iyo Ngong.
Qaybtan ayaa xirnaan doonto ilaa 23-ka Jannaayo ee sanadka soo socdo maadaama halkaasi buundo laga dhisaya.
Maamulka ayaa sheegay in marka buundadan la dhameystiro, uu yaraan doono ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka ee ka jira caasimadda dalka.