Madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ciidamada militariga iyo waaxda qaabilsan barnaamijka hubka Nukliyeerka ku amray inay dardargeliyaan diyaar garowgooda ku aaddan inay dagaallamaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in laga falceliyo waxa uu ku tilmaamay daandaansi xad-dhaaf ah oo uu ku eedeynaya Maraykanka.